Madaxweynaha Kenya ayaa uga digay garsoorka dalka in uu mucaaradka gacan ku siiyo sidii doorashada soo socota ay khalkhal u gelin lahaayeen.
Doorashada madaxtinimada ayaa dhici doonta bisha dambe, madaxweyne Uhuru Kenyatta-na wuxu doonayaa in mar labaad la doorto.
Jimcihii ayaa maxkamadda sare ee dalku fartay gudida doorashooyinka in aanay soo daabicin waraaqaha codbixinta ka dib markii ay dacwad ay arintaa ka qabaan mucaaradku hor keeneen maxkamadda.
Madaxweyne Kenyatta ayaa ku nuuxnuuxsaday in doorashadu muddadii loo qorsheeyey ay dhici doonto “cabsi gelinta noocan ah la aqbali maayo maalinta doorashada loo cayimayna la bedeli maayo” ayuuna yiri.
Waxa kale oo uu sheegay in garsoorku aanu sheegan karin inuu madax bannaan yahay hadii uu toos u farageliyo hawsha iyo awoodaha waaxda fulinta iyo laamaha kale ee dawladda.
Maxkamadda sare waxay dooddeeda ku salaysay in habkii bixinta qandaraaska waraaqaha codbixintu ahaa mid aan hufnayn oo sharciga baal marsan.
Isbahaysiga mucaaradka ee magaciisa loo soo gaabiyo NASA ayaa ku eedeeyey madaxweynaha inuu xidhiidh la leeyahay shirkadda daabacaadda Al-Ghurair oo xarunteedu tahay Dubai oo ku guulaysatay qandaraaska daabacaadda waraaqaha codbixinta oo qiimahiisu dhan yahay 24 milyan oo doolar.