Madaxweynaha Dowlada degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo socdaal dibadda ugu maqan ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xasuuqii ciidamada Liyuu Police iyo ciidamada Itoobiya ka geysteen degaanka Gaashaamo ee xuduudka Soomaalida iyo Itoobiya, Gobolka Togdheer.
Cabdi Maxamuud Cumar ayaa sheegay in falka Gaashaamo aad loo buunbuuniyay, wuxuuna dafiray in dad dhan 40 ruux lagu dilay oo shacab ah, isagoo ku dooday in dadka dhintay ay ahaayeen kooxo dagaalamayaal ah.
Wuxuu sheegay in guddi heer Federaal, Dowlad degaan iyo Gobol isugu jira ayna soo ogaadeen sida uu sheegay in dad Ciidamada soo weeraray ay soo abaabuleen rag shixnad kontarabaana soo gelinaayey Gudaha Itoobiya, markii gawaarida ay wateen laga qabtayna isku dayeen inay xoog kula baxaan, sidaasina dagaalku ku dhacay.
Dhacdada Gaashaamo ayaa lagu dilay dad fara badan oo shacab ah, waxaana lagu eedeeyay ciidamada Liyuu Police inay si bareera u xasuuqeen rayid aan waxba galabsan.
Goobjooge.com