Wednesday, July 2, 2025

Madaxweynaha oo beeniyay inay ka noqonayaan dacwadii xuduudka Badda Kenya & Somalia

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inuusan jirin wax ka laabasho ah oo ku saabsan dacwadii owladda Federaalka Soomaaliya ay u gudbisay maxkamadda adduunka ee ku saabsan muranka Badda ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

xasanxq

Madaxweynaha ayaa caddeeyay in Kenya ay dooneeyso in si hoose loo dhameeyo muranka Badda labada dowladdood ka dhaxeeya balse dowladda Soomaaliya wali ay ku taagan tahay Go’aankeedii hore ee ahaa inaan la boobi karin biyaha iyo dhulka Soomaaliya ay leedahay. Wuxuuna hadalkan ku sheegay khudbadii xuska 1-da Luulyo.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya  Aamino Maxamed ayaa shaacisay  in dowladda Soomaaliya ay ogolaatay inay si hoose uga heshiinayaan  muranka badda oo ay la soo noqodo dacwadii ay geystay Maxkamadd iyadoo markaa la hadleysay Baarlamaanka dalka Kenya

“Ma dhici doonto dowladda Soomaliya oo mas’uul ka ah ummadda Soomaliyeed ay ku dhaqaaqdo wax aysan shacabkeeda raali ka aheyn, waxaan rabnaa in aan soo ceshano wixii bad ah oo ka maqan Qaranka Soomaaliyeed”ayuu yiri Xasan Shekh Maxamuud.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid uu yahay ma’uulka dowladda Kenya u balanqaaday inay Soomaaliya ka noqoneyso dacwada ay ka geysay Kenya ee ku saabsan muranka Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON