Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha oo cambaareyn lala soo daahay kasoo saaray qaraxyadii Gaalkacyo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa cambaareyn uu la soo daahay goor dhoweyd ka soo saaray  weeraradii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Q/Midoobay Micheal Keating ayaa ahaa mas’uulkii ugu horeeyay ee cambaareeyay qaraxyada Gaalkacyo, waxaana ku xigay madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, iyadoo uu ugu danbeyay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid.

Cambaareynta Madaxweynaha akhriso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in kooxaha argagixisada guuldarrooyin culus oo ku habsadey awgeed ay doonayaan inay gummaadka shacabka u adeegsadaan muujinta saameyntooda.

Madaxweynaha ayaa ka hadlayey weeraradii waxashnimada ee saaka argagixisada ka fuliyeen magaalada Gaalkacyo, halkaas oo dad u badan shacab ay ku shahiideen.

“Dagaalka xaqa ah ee aan ku jirno ee hiilinta qiimaha nolosha dadka Soomaaliyeed wuu sii socon doonaa, waxaana idinku bishaareyneynaa in dhowaan la soo afjari doono, argagixisadana laga suulin doono geyiga Soomaaliya iyo gobolka Geeska Afrika oo dhan”, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dadkii maanta shahiiday ay noloshooda qaaliga ah ku waayeen iyagoo dalkooda iyo shacabkooda u adeegaya, isagoo Allah uga baryey inuu naxaristii janno ka waraabiyo, qoysaskii, eheladii iyo shacabka ay ka geeriyoodeenna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha Ilaahay uga baryey dadkii ku dhaawacmey weerarkaasi waxashnimada ah inuu deg-deg caafimaad buuxa u siiyo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha waxaa uu farey laamaha amniga ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada inay xoojiyaan dagaalka lagula jiro argagixisada oo haatan maraya weji gebagabo ah.

——————————–DHAMMAAD————————-

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON