Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtaym kadib markii uu ka soo qeyb galay shirweyihii Afrika iyo Shiinaha ee ka dhacay dalka Koonfur Afrika oo xilli danbe uu degdeg ugu baxay markii loo yeeray.
Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho si diirran ugu soo dhaweeyay gudoomiyaha Baarlamanka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan, wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamanka iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxwene Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Johanisberg ee dalka South Africa uga soo qeybgalay shirka madaxda dalalka Afrika iyo Shiinaha kaasoo looga hadlayay horumarinta xiriirka Africa iyo Shiinaha gaar ahaan dhinaca ganacsiga iyo dhaqaalaha.
Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Maxamuud ayaa kulan gaar ah la soo qaatay dhiggiisa dalka Shiinaha oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee u dhaxeeya labada dal. Waxaana la sheegay in dhaqaalaha Shiinaha ugu deeqay Afrika ay Soomaaliya ay qeyb ka heli doonto.
Goobjooge.com