Friday, July 18, 2025

Madaxweynaha oo shaaciyay maamul goboleed loo dhisayo magaalada Muqdisho

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamud ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho loo dhisi doono maamul.

Isagoo ka hadlayay munaasabadii caleemo saarka madaxda maamulka cusub ee Hirshabeelle ayuu sheegay madaxweynaha xilka sii haya in Maamulka Hirshabeelle aanu aheyn kii ugu dambeeyay ee la dhiso, isla markaana caasimadda Magaalada Muqdisho loo sameyn doono Maamul u Gooni ah oo la caddeyn doono  maqaamka Muqdisho.

Xasan Sheekh ma sheegin xilliga maamulka loo dhisayo, iyadoo lagu dhex jiro doorashadii 2016, isla markaana aanu jirin waqti maamul loogu sameyn karo caasimadda.

Caddeyn la’aanta maqaamka Muqdisho iyo inay dadka degan aysan wax metelaad ah ku lahayn Aqalka Sare waxay noqotay fashilka ugu weyn ee heysta hogaankii Xasan Sheekh iyo qodobka ugu adag ee horyaalla xilli kasta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON