Madaxweynaha Puntland Siciid C/llaahi Deni ayaa dhambaal mahadcelin ah u diray Dowladda Imaaraadka Carabta oo maanta Agab Caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus, gaarsiisay magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.
“Waxaan uga mahadcelinayaa Dowladda Imaaraadka gargaarka bani’aadantinimo ee ay nasoo gaarsiisay, oo maanta Boosaaso ka degay, waa agab caafimaad oo loogu talagalay xakameynta iyo ka hortagga Coronavirus.Xilligan waxaa dagaal adduunka oo dhan kula jiraa halista Covid-19 oo si xowli ah ku fidaya, waana loo baahanyahay in la iska kaashado Ka hortagga Cudurkaasi, aad baan ugu mahadcelinaya Dowladda Imaaraadka oo agabkan nasoo gaarsiisay xilli aad loogu baahanyahay“ ayuu qoraalkiisa ku yiri Madaxweyne Deni
HOOS KA AKHRISO QORAALKA OO CARABI AH




