Furitaankii shirka gaarka ah ee Madasha Qaran ee Isniintii ka furmay Madaxtooyada magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin kasoo baxeysaa hadallo kulul oo madaxda Soomaalida ay isku weydaarsadeen, iyadoo qaabka qabyaalad qayaxan ah looga hadlay shirka.
Khudbadii Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay shirka iyo khudbadii ka dambeysay ee Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa xaalada shirka ka dhigtay mid cakiran oo keenay haddalo qayaxan in la isku weydaarsado, kadib markii madaxweynaha uu sheegay inay dowladda Federaalka go’aamisay arrimaha soo socda:
- In aqalka hoose ee Baarlamaanka lagu qeybiyo qaabka 4.5
- In Aqalka sare lagu saleeyo qaab maamul goboleed
- In Somaliland iyo Puntland aqalka sare ee Baarlamaanka laga siiyo 3 xubnood oo dheeraad ah
Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa go’aanadaas uga dhawaaqay shirka, kadibna waxaa hadaladii qaatay madaxda Soomaalida oo diidmo iyo haddalo kale oo qabyaalad qayaxan huwan kala hor yimid go’aanadaasi.
MAHAD CABDALLA CAWAD – Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka
Wuxuu khudbadiisii ku sheegay in laba mas’uul oo xukuumadda iyo Madaxtooyada madax ka ah aanay go;aan keligood qaadan karin, oo ay tahay go’aan noocaasi ah inuu golaha wasiirada soo maro, laakiin aanu jirin mas’uul sare oo rabitaankiisa ku keeni kara go’aamo noocaasi ah.
C/WELI GAAS Â – Madaxweynaha Puntland
Madaxweynaha Puntland ayaa si kulul uga jawaabay go’aanka madaxweynaha, isagoo sheegay inaanu jirin go’aan loo gaari karo maamulada dalka ka jira, wuxuuna Gaas si cad u yiri: “Go’aan Muqdisho lagu gaaray ka socon maayo Garowe”.
AXMED MADOOBE – Madaxweynaha Jubba
Madaxweynaha Jubalabd wuxuu khudbadiisii ku sheegay haddii dowladdu go;aan iska gaari karto, inaan loo baahneyn shir la isugu yimaado oo arrintu ku koobneyd in go’aanka la gaaray saxaafadda laga baahiyo, sidaasina lagu fuliyo amarkaasi, issagoo si dadban ugu kajamay go’aanada madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha.
SHARIIF XASAN – Madaxweynaha Koonfur Galbeed
Shariif Xasan wuxuu isagu dood ka keenay xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka ee loogu daray Puntland iyo Somaliland, wuxuuna sheegay haddii tiro loogu darayo uu isagu ugu mudan yahay maamulkiisa oo ku kooban saddex gobol, halka maamulada la siiyay ay gobolo badan heystaan.
C/KARIIN GUULEED Â Â – Madaxweynaha Galmudug
Madaxweynaha Galmudug wuxuu sheegay inaan go’aan noocaasi ah oo dowladdu gaartay aanay raali ka ahayn, isla markaana aanay aqbali karin wax ka baxsan 4.5 nooc kasta oo baarlamaanku yahay aqal hoose ama sare-na ay qabaan in 4.5 lagu soo xulo.
Doodaha madaxda sare iyo furitaankii shirka ayaa waxaa ka dhex muuqda in muranka siyaasadeed ee qaabka doorashada 2016 uu salka ku hayo awood qeybsi iyo saamiga beelaha oo madaxda Madasha uu mid kasta beel u taagan yahay, beeluna danahooda ay ka dhex arkeen nidaamyo iska horjeeda.
GOOBJOOGE.COM