Friday, June 27, 2025

Madaxweynaha Puntland oo la kulmay taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta xaruntiisa magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug Puntland ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Maxamed Sheekh Xassan Xaamud oo dhowaanahan ku sugnaa Puntland.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayuu Madaxweyne Gaas ka qaatay salaan sharaf, wuxuuna uga mahadceliyey booqashada ay ku yimaadeen Puntland, iyagoo kormeero ku sameeyay Xarumaha ciidamada Garowe, Boosaso, iyo Gaalkacyo.

Taliyaha Ciidanka Booliska  Soomaaliya Maxamuud Shiikh Xasan ayaa u mahadceliyay Puntland sidii ay u soo dhoweeyeen, isagoo sheegay inuu arkay ciidan Booliis ah oo dhisan diyaarna u ah inay gutaan waajibaadka shaqo ee loo igmado.

Madaxweyne Gaas ayaa taliyaha ku bogaadiyey inuu sii laba jibaaro dadaalada uu wado ee uu rabo inuu ku horumariyo ciidanka Booliska. wuxuuna u sheegay in Puntland ay xoojisay booliskeeda si ay u hantaan ammaanka degaanadooda.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON