Wednesday, July 2, 2025

Madaxweynaha Puntland oo safar kale ugu duulay dal uu maalmo ka hor ka yimid

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maanta mar kale u duulay dalka Imaaraadka Carabta.

C/weli Gaas ayaa maanta furay Kalfadhigii 8aad ee Baarlamaanka Puntland ayaa isla markii uu shirkaasi ka soo baxay degdeg uga dhoofay magaalada Garowe, isagoo ku sii jeeda Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

C/weli Gaas ayaa su’aalihii lagu weydiiyay shirkii maanta waxaa ugu badnaa safarrada fara badan ee uu dibadda ku aado iyadoo maamulkiisa ay ka jiraan xaalado abaar iyo colaadeed.

Socdaalka C/weli Gaas ayaa imaanaya iyadoo uu maalmo kooban ku sugnaa degaanada Puntland, wuxuuna kasoo laabtay dalka Imaaraadka Carabta oo toddobaadkii hore uun uu ka yimid.

Waxaa hadda dalka Imaaraadka Carabta ku sugan madaxda maamulada Soomaalida oo dhan kuwa federaalka.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON