Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa tacsi u diray Wasiirkii Dastuurka xukuumadda Soomaaliya Marxuum C/raxmaan Xoosh Jibriil oo maanta ku geeriyooday isbitaal ku yaalla magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa farriin tacsi ah gaarsiiyey qoyska Wasiir Xoosh iyo umadda Soomaaliyeed, isagoo ku tilmaamay geeri naxdin leh, wuxuuna Alle uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo.
Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa isna farriin uu soo dhigay baraha bulshada ka tacsiyadeeyay Geerida Wasiir C/raxmaan Xoosh, waxa sidoo kale farriimo tacsi ah diray guddoonka labada aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare Maxamed Mursal Sheekh iyo Cabdi Xaashi C/llaahi.
Waxaa kaloo tasci diray Ra’iisal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Maxakamadda Sare ee Dalka, Xeer-ilaaliyaha, Hanti dhowraha & Xisaabiyaha guud ee Qaranka ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Wasiirkii Dastuurka C/raxmaan Xoosh Ibriil.