Madaxweyaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaa kulamo kala gaara maanta la yeeshay Xoghayaha fulinta ee Ururka IGAD Workneh Gebeyehu oo markii uu ugu horeysay intii uu xilka qabtay yimid caasimadda Muqdisho.
Workneh Gebeyehu ayaa hore u ahaa Wasiirka Arrimaha dibadda IGAD, wuxuuna xilkan uu dhowaan u magacaabay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed tartan ugu jirtay Soomaaliya, iyadoo markii danbe dowladda Soomaaliya ay u tanaasushay Itoobiya.
Madaxtooyada Soomaaliya aya shaacisay in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu kulan-maamuuseed u fidiyey Xog-hayaha Guud ee urur-goboleedka IGAD Mudane Workneh Gebeyehu, isagoo ugu hambalyeeyay xilkan loo igmaday, una u rajeeyey in uu ka miro-dhaliyo qorsheyaasha heer gobol ee kor u qaadista iskaashiga, nabadda iyo horumarka dalal ku mideysan IGAD.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa isna xafiiskiisa kulan kula qaatay xoghayaha urur gobaleedka IGAD, Dr. Workneh Gebeyehu iyo wafdiga uu hoggaaminayo, wxayna kulankooda uga wada hadleen arrimaha gobalka, guud ahaan xaaladda dalka iyo garab istaagga IGAD ee shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.
Dr. Wrorkneh Gebeyehu oo socdaalkiisa uu dalka ku yimid uu ahaa booqashadiisii ugu horreysatay intuu uu ahaa xogyahaya IGAD ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay soo dhaweyta, waxuuna hoggaanka dalka ku bogaadiyay dadaalka iyo ka go’naashahooda hormuudka u noqday in horumar laga gaaro qorshaha dib-u-habeynta.





