Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa siyaabo kala duwan u soo saaray warar u badan tacsi oo ku saabsan weerarkii Alshabaab ku qaaday Hotelka Ambassador ee magaalada Muqdisho oo lagu dilay dad fara badan iyo laba xildhibaan.
Warka kasoo baxay Madaxtooyada ayaa tacsi loogu diray labada xildhibaan iyo dadkii ku geeriyooday weerarka, waxaana lagu sheegay kooxda Alshabaab laga dilay rag sare, loona geystay jab xoog leh.
“Innaa Lillahi wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaca Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, iyo keygaba waxaan tacsi u dirayaa qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen Xildhiban Cabdullaahi Jaamac Kabaweyne iyo Xildhibaan Maxamuud Maxamed Guure. Waxan tacsi taa la mid ah u dirayaa qoysaskii ay ka baxeen dadkii shacabka ahaa ee iyaguna weerarkaasi waxashnimo ku shahiiday’’, ayuu yiri Madaxweynaha.
Dhinaca kale Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa iska tacsida labada xildhibaan ka sokow wuxuu sheegay in dad Soomaaliyeed oo shacab ah ay ku waxyeeloobeen qaraxa.
“Weerarkani qasaaraha ugu badan waxa ay ka soo gaareen shacab maati ah, maadaama goobta lala beegsaday ay ku yaaleen xarumo ganacsi, waxaana tacsi u dirayaa shacabka aan waxba galabsan ee lagu xasuuqay weerarkan” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid.
Weerarka Hotel Ambassador ayaa kusoo beegmay iyadoo madaxda sare ee dowladda iyo kuwa maamulada dalka uu Muqdisho uga socday shir la isku mari waayay oo ku saabsan hannaanka doorashada iyo awood qeybsiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka.
Goobjooge.com