Sunday, July 13, 2025

Madaxweynaha Ruushka oo ku biiray madaxda ka hor timid Go’aankii Trump ee Magaalada Qudus

Madaxweynaha Ruushka ayaa ku biiray mdaxda dunida ee ka hor timid go’aankii madaxweynaha Mareyanka ugu aqoonsaday magaalada Qudus inay tahay caasimadda Isra’el.

Madaxwaynaha dalka Ruushka Putin ayaa sheegay in go’aankii uu Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimada Israa’iil ay tahay mid meesha ka saaraysa wadahadaladii nabadda ee bariga dhexe.

Madaxwaynaha Ruushka ayaa ka hadlayay magaalada Ankara ee caasimada dalka Turkiga.

Mr Putin ayaa kulan la qaatay madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan,xilli uu soo gabagabeeyay booqashadiisa bariga dhexe.

Mr Erdogan ayaa sidoo kale cambareeyay go’aanka madaxwayne Trump ,waxa uuna sheegay in Mareykanka ay dhiig gacanta kula jiraan.

Erdogan ayaa ku tilmaamay Israa’iil in ay yihiin argagixiso islamarkana Falastiiniyiintii ay askarta Israa’iil dileen ay yihiin Shuhado.

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON