Sunday, July 13, 2025

Madaxweynaha Somalia oo la guddoonsiiyey Abaal-marin ay la wadaageen Ra’iisal Wasaraha Itoobiya & Madaxweynaha Eriteria

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la guddoonsiiyey Abaalmarin uu bixiyo urur Mareyka ah oo lagu magacaabo Concordia oo ah urur aan dowli ahayn oo la asaasay sanadkii 2011.

Abaalmarinta hoggaaminta ee Concordia ‘Concordia Leadership Award’ ayaa sanadkan waxaa wadajir loo siiyey madaxda dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, iyadoo loo siiyey isbedelka Geeska Afrika ka dhacay ee colaadii ka taagneyd Gobolka u bedelay nabad iyo is-dhexgal, waxaana asal u ahaa heshiiskii Itoobiya iyo Eritrea.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xalay lagu guddoonsiiyey abaalmarinta ‘2019 Concordia Leadership Award’ kulankii Concordia ee sanad kasta ka barbar dhaca kulanka Golaha guud ee Q/Midoobay ee magaalada New York, waxaana la wadaaga Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed & Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Hoos ka akhriso Khudbad uu jeediyey Madaxweyne Farmaajo kulankaasi

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON