Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda maamul Goboleedyada dalka ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Kismaayo oo galabta lagu caleemo saaray madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), waxaana la filayaa inuu shir uga furmo magaalada.
Madaxda maamulada Jubba ee martida loo yahay, kan Puntland C/weli Gaas, K/Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa dhammaantood ku sugan Kismaayo, waxay wararku sheegayaan in shir looga hadlayo hiigsiga cusub iyo la-tashi ku saabsan sida looga gudbayo 2026 ay yeelan doonaan.
Shirkii kan ka horeeyay ayaa Muqdisho ka dhacay iyadoo ay qaadaceen madaxda Puntland iyo Jubba, shirkan ayaa madaxda qaarkood weji gabax ku noqon doona.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]