Madaxweynaha Soomaaliya ayaa mar kale dib u magacaabay Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Soomaaliya, kadib markii uu xilkaasi ka dhammaaday dhowaan.
Sida lagu sheegya qoraal lagu baahiyay Baraha Bankiga Dhexe, Guddoomiyaha Bankiga dhexe ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa dib loogu magacaabay xilkaas, wuxuuna heyn doonaa muddo afar sanno ah.
Gudoomiyaha ayaa xilka sii hayey, markii ay ka dammaatay 4-tii sano ee hore, waxaana hadda mar kale xilkaasi loo magacaabay, iyadoo laga cabsi qabay in guddoomiye cusub lasoo magacaabo.
Guddoomiye C/raxmaan Maxamed ayaa xilkan loo magacaabay bishii April ee sanadkii 2019, wuxuu khibrad u leeyahay arrimaha maareynta dhaqaalaha iyo bangiyada, isagoo ka mid noqday shaqaalihii cashuuraha ee wasaaradda maaliyadda sannadkii 1986.