Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Soomaalida Itoobiya oo heshiis ka kooban 7 Qodob la galay ururka ONLF [Akhriso Heshiiska]

Madaxweynaha cusub ee Gobolka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar oo kulan kula yeeshay magaalada Addis ababa wafdi ka socday Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogaadeenia (JWXO) aya shaaciyey 7 qodob oo ay ku heshiiyeen maamulkiisa iyo ONLF. 

Qoraalka kasoo baxay madaxweynaha DDSI, waxaa sidoo kale shaacisay ururka ONLF oo uu hogggamineyay halgame Xussen Nuur, waxaana qodobadda lagu heshiiyey ugu mhiimsan in ONLF ay xor u tahay inay dhaqdhaqaaqyadeeda siyaasadeeda ka wadato gudaha Itoobiya.

HOOS KA AKHRISO HESHIISKA 

1. In si degdeg ah loo qaado tallaabooyin lagu daryeelayo halgamayaashii ku naafoobay dagaaladii guumaysi-diidka ahaa ee ay ku la jireen TPLF;

2. In jabhada ONLF ay si xor ah dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed uga bilowdo deegaanka Soomaalida;

3. In laga fogaado wixii keeni kara isku dhacyo ama keeni kara qalalaase amaan;

4. In wadahalo mug wayn oo u dhaxeeya dawladda Itoobiya iyo ONLF dhawaan si rasmi ah u bilaabmaan;

5. In laga fogaado wixii kala geeynaya shacabka deegaanka ama keenaya kala shaki iyo naceyb;

6. In maamulka cusub ee deegaanku kaalin fiican ka ciyaaro in loo fududeeyo ONLF inay si sharci ah barnaamijyadeeda siyaasadeed uga hirgaliso deegaanka;

7. In maamulka cusub ee deeganku ballan qaado doorashooyin xor iyo xalaal ah kadib marka uu dhamaado xiliga kala guurka ah;

Madaxweyne Musfate Xagjar ayaa sheegay inuu geed dheer iyo mid gaabanba u fuuli doono sidii uu isugu soo dhoweyn lahaa shacabka deegaanka Soomaalida si si wadajir ah loo soo dhacsado xuquuqaha ka maqan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON