Kalfadhiga 8-aad ee Baarlamaanka Federaaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho, iyadoo uu furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad uu ka jeediyay fadhiga ka shegay in go’aanada Madasha Qaran ee arrimaha doorashooyinka la hor keeni doono Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.
Kulanka furitaanka ugu horeyn ka hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) sheegay in baarlamaanka mudadii la soo dhaafay uu ku talaabsaday waxqabad muuqda inkastoo uu sheegay in wax badan ay u harsan yihiin isla markaana kalfadhigan u dambeeya ay isku dayi doonaan in ay dhameystiraan howlaha hadda horyaal Golaha Shacabka. Wuxuu intaas ku daray in in kalfadhigan 8 aad uu yahay kan ugu adag maadaama uu yahay kan lagu go’aaminayo mustaqbalka wadanka.
Madaxweyne Xasan Sheekh baarlamaanka ugu hambalyeeyay furitaanka kalfadhiga 8-aad oo ah kan u dambeeya baarlamaanka 9 aad ee Soomaaliya yeelato, wuxuuna mahad celin u jeediyay guddoonka Baarlamaanka.
Khudbad dheer oo lagu daalay ayuu Xasan Sheekh uga hadlay horumarka dalka uu gaaray sida in muddo ku dhow 30 sano kadib dowladda Soomaaliya ay u suuragashay in ay xiriir wada shaqeyneed la yeelato hey’adda lacagta adduunka ee IMF. “1988 ayaa ugu dambeysay in Soomaaliya heshiis wada shaqeyneed la yeelato IMF, dhowaan wasiirkeena maaliyadda waxaa uu saxiixay heshiis iskaashi oo dhex maraya Soomaaliya iyo IMF, kaas oo dalka u horseedaya in deyn uu codsado lagana cafin karo,” ayuu yiri madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya waxyaabaha laga rabay in ay qabato ay ahaayeen labo qodob oo kala ah dib u eegista dastuurka iyo in dalka la gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah sanadkan 2016, hase yeeshee qodobadaasi sidii loogu talagalay aysan u fulin, laakiin wuxuu ku dooday in wax badan laga qabtay.
“Wax keli ah ee aan doonayo wa wax kasta oo suuragal ah la qabto isla markaana sharciyad loo sameeyo si howsha la qabanayo ay tixraac u yeelato,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha oo sheegay in go’aanada Madaxda Madasha Qaran la hor keeni doono Baarlamaanka si ay u ansixiyaan.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com