Friday, July 4, 2025

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka duulay Muqdisho, kuna sii jeeda Eldoret, Kenya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane   Xasan Sheekh Maxamuud  iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhaw ka amba baxay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho isagoo ku sii jeeda magaalada nairoobi ee dalka Kenya halkaas oo la filayo wafdiga madaxweynaha in ay uga qaybgalaan muunaasabadd loogu baroordiiqayo askartii Kenya ee lagu dilay deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo.

Sidoo kale baroordiiqdan loo sameynayo ciidamada Kenya ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, waxaa kaloo la filayaa in ra’iisal wasaaraha Itoobiya ka qeyb galo aaska loo sameynayo askarta Kenya.

Munaasbada maamuuska askarta Kenya lagu laayay Ceelcade Soomaaliya waxay ka dhici doonta Xerada Milliteriga ee Moi oo ku taalla duleedka  Eldoret ee Galbeedka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale u duuli doona magaalada Addis Ababa si ay uga qeyb galaan Shirweynaha 26-aad ee Madaxda dowladaha Afrika oo furmi doona Sabtida ee soo socoto.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON