Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka baaqday shir caalami ah oo Itoobiya ay qabanqaabiso sanad waliba.
Shirkan oo ah kii lixaad laguna magacaabo Tana High-Level Forum on Security in Africa, waxaa looga hadlaa arrimaha ammaanka iyo horumarinta Afrika, waxaana ka qeyb gala madaxda dalal dhowr ah, aqoonyahano iyo madaxdweynayaal hore.
Shirarkii hore waxaa ka qeyb gali jiray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale ka qeybgeli jiray madaxweynaha Puntland oo lagu casuumo qaab aqoonyahan.
Soomaaliya ayaa dowlad ahaan sanadkan ka qeybgeli doonin shirka iyadoo madaxweynaha Farmaajo ka baaqsaday, isla markaana aanay jirin madax kale oo ka socota xukuumadda Soomaaliya oo shirkaasi ka qeybgaleysa.
Madasha Shirka lixaad ee Tana High-Level Forum on Security in Africa, waxaa ka dhex muuqda madaxweynaha Puntland oo xalay gaaray halkaasi, waxaana uu khudbad cilmi ah ka jeedin doonnaa Axadda berrito iyadoo shirka sanadkan looga hadlay hab-maamulka Kheyraadka dabiiciga ah ee Afrika. (Natural Resource Governance in Africa).
Goobjooge.com
Madaxweynaha Puntland oo lagu soo dhoweeyay magaalada Bahir-dar ee dalka Itoobiya [Sawirro]
Shirkii Amniga Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Bahir Daar, Itoobiya [SAWIRRO]