Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta xarunta Madaxtooyada Villa Somalia ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibadda Mauritania, Mudane Isselkou Ould Ahmed Izid Bih, oo Muqdisho booqasho ku yimid.
Ujeedka socdaalka wasiirka ayaa ahaa inuu Madaxweynaha soo gaarsiiyay martiqaad uu ka siday Madaxweynaha Mauritania Mohamed Ould Abdel Aziz, oo ku saabsan ka qeybgalka shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta oo dhammaadka bisha dambe ka dhici doona magaalada Nouakchott ee caasimadda dalkaasi.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa aqbaley martiqaadkaasi isagoo ka qeybgeli doona Shir madaxeedka dalalka Jaamacadda Carabta.
Waa markii ugu horeysay ee Mauritania ay martigeliso shirka madaxda Jaamacadda Carabta oo ah urur ay leeyihiin dalalka Carabta.