Waxaa madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka degay garoonkta Entebbe ee duleedka magaalada Kampala, dalka Uganda, isagoo socdaal dheer oo dalal badan ku mari doono uga bilowday dalkaasi.
Inta uu ku sugan yahay dalka Uganda wuxuu kulan la yeelan doonaa Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni oo ay ka wadahadli doonaan xaalada Soomaaliya, arrimaha amniga gobolka, dardar-gelinta howlgalada ciidammada AMISOM ee ka dhanka ah kooxaha argagixisada iyo arrimo kale.
Madaxtooyada ayaa shaacisay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu socdaalkiisa Uganda kadib, uu tegi doono magaalada Djibouti, halkaasoo uu kula kulmi doono Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa haddana socdaalkiisa Jabuuti kadib tegi doona magaalada Riyaadh ee Boqortooyada Sacuudiga, halkaas oo uu kaga qeybgeli doono shir Madaxeedkii 4-aad ee waddamada xubnaha ka ah Jaamacadda Carabta iyo dalalka ku yaalla Koonfuurta America.
Shirkaasi oo looga hadli doono iskaashiga labada dhinac, ayaa waxaa la filayaa inay ka soo qeybgalaan 22-ka dal ee Jaamacadda Carabta ka tirsan, iyo 12 dal oo ka socda Koonfuurta America.
Goobjooge.com