Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galabta gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Madaxweynaha ayaa halkaasi uga qeyb galata Shirka 6aad ee Afrika iyo Japan oo madaxda dalalka Afrika iyo Japan ay uga wahadadlayaan xiriirka labada dhinac iyo iskaashiga (6th Tokyo International Conference on African Development Summit -TICAD6).
Madaxweynaha wafdigiisa waxaa garoonka ku soo dhoweeyay madaxa Brotocolka madaxtooyad Kenya, iyo xubnaha wafdiga wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ee shirka u tegay magaalada Nairobi.
Arrintan ayaa lagu micneeyay in socdaalka aanu ahayn mid rasmi ah oo madaxweynaha u socdo shir ay martigelineyso Kenya oo qura, taasoo keentay in soo dhoweynta ay noqoto heerkaas.
Goobjooge.com