Madaxweynaha Tunisia Qeys Saciid ayaa xilkii ka qaaday Ra’iisal wasaarihii dalkaasi, isla markaana casilay xukuumadii dalkaasi, isagoo ku dhawaaqay in la joojiyey shaqadii Baarlamaanka.
Go’aanka Madaxweynaha Tunisa ayaa lama filaan noqday, kadib markii uu shaaciyey inuu magacaabi doono Ra’iisal wasare uu isagu magacaabi doono, isla markaana uu xasaanadii ka qaaday dhammaan xildhibaannada Baarlamaanka dalkaasi ee la doortay.
Arrintan ayaa timid kadib markii bannaanbaxyo waaweyn ay maanta ka dhaceen magaalooyinka dalka Tunisia, iyadoo dadka ay cabanayaan xaaladda halista ah ee uu gaaray cudurka Covid-19 oo keenay xaaladda dhaqaalaha, waxayna dadku dalbanayeen inay dhacdo dowladda dalkaasi.
Bannaanbaxayaasha ayaa weerarro ku qaaday xarumo uu leeyahay xisbiga Nahda ee islaamiga ah, waxaana go’aanka uu qaatay Madaxweynaha Tunisia loo arkaa kuwo aan hore loo arag, waxaana laga cabsi qabaa inay ka dhalato qalalaase Dastuuri ah.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Tunisa, ahna hoggaamiyaha xisbiga Al-Nahda ee ugu weyn dalkaasi Raashid Ganushi ayaa tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Tunisia ku tilmaamay inqilaab uu sameeyay Madaxweynaha, isagoo cambaareeyay tallaabadaasi sharci darradaha ah, kuna adkeystay inuu sii shaqeyn doono Baarlamaanka.
Xaaladda Tunisia ayaa hadda gashay qalalaase, iyadoo madaxweynaha uu la wareegay awoodihii xukuumadda iyo Baarlamaanka, waana xaalad cusub oo la mida wixii ka horeeyay kacdoonkii dalkaasi ee lagu riday xukuumadii keli taliska ahayd ee dalkaasi.
