Thursday, April 25, 2024

Qodob halis ah oo ay wajahayaan Musharixiinta kuraasta Aqalka Sare ee Doorashda Baarlamaanka

Iyadoo la filayo inay bilaabato doorashada Senerootada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa waxaa musharixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare soo wajahay qodob halis ah.

Qodobka horyaalla mushariixinta Aqalka Sare ayaa ah inuu madaxweynaha Maamul Goboleedka uu soo magacaabayo musharixiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare, isaguna awood loo siiyey inuu soo xulo musharixiinta uu doonayo, sida uu qorayo habtaaca Doorashada, taasoo meesha ka saareysa musharixiinta aanu dooneyn madaxweynaha maamul Goboleedka.

Doorashadii hore ee senatoorada Aqalka Sare waxay madaxda maamul Goboleedyada ka reebeen xubno ay siyaasad ahaan is hayaan inay ka mid noqdaan musharixiinta, iyadoo doorashada 2021 ay mar kale sidaas ku socoto.

Ad

Madaxda maamul Goboleedyad dalka ayaa awood weyn ku yeeshay habka doorashada dadban, markii ay saxiixeen heshiisyadii doorashada ee Septembar 2020 iyo May 2021, waxaana laga cabsi qabaa inuu u gacan nidaamka soo saarista xildhibaannada labada aqal ee Baarlamaanka.

Kulan ay xalay yeesheen Ra’iisul Wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo madaxda Maamul Goboleedyada ayaa looga hadlay sidii loo bilaabi lahaa doorashada Aqalka Sare oo markii saddexaad dib u dhacday.

War kasoo baxay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa lagu sheegay in Madaxda ay isla qaateen in la dardar geliyo doorashada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON