Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayin Erdogan ayaa dowladda Israa’iil ku tilmaamay dowlad aragagixiso ah oo ku dhisan xasuuqa dadka, kuna caan baxday dembiyo dagaal.
Madaxweye Erdogan ayaa sheegay in Mareykanka uu qeyb ka yahay xasuuqa Yuhuudda ku heyso dalka Israa’iil, kuna taageersan yahay xadgudubka ay kula kacdo dadka reer Falastiin, isagoo cambaareeyay tallaabada Donald Trump Safaaradii Mareykanka ugu raray magaalada Qudus.
Dhinaca kale Turkiga iyo Koonfur Afrika ayaa kala baxay Israel safiiradooda kadib xasuuqii shalay ay ciidamada Israel kula kacen shacabka Falastiin ee banaanbaxa ka dhigayey Marinka Gaza.
Ilaa iminta 59 qof ayaa la xaqiijiyey inay ku dhinteen rasaastii ay ciidamada Israel ku rideen Dadkii shacabka ahaa ee ku mudaharaadayey xaduuda u dhaxeysa Gaza iyo dhulka israel heysato.
Madaxweyne Tayyib Erdogan ayaa ku dhawaaqay sadex maalmood oo baroordiiq ah dadkii lagu dilay Gaza,waxayna dowlada Turkey isugu yeertay dalalka Islaamka (OIC) kulan degdeg ah oo la filayo inuu dhaco maalinta Jimcaha.