Saturday, June 28, 2025

Madaxweynaha Turkiga: “Fasax kama qaadaneyno Mareykanka si aan u howlgelinyo Gantaalaha difaaca Cirka”

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan si cad u sheegay in Turkigu uu bilaabay tijaabinta Gantaalaha difaaca cirka casriga ah ee S-400 oo Ruushku sameeyo, isagoo iska dhega tiray digniin ka timid Mareykanka.

“Tijaabada Nidamka S-400 waa la qaaday, waana la sii wadayaa. Mowqifka Mareykanka gabi ahaan nama khuseeyo. Haddii aynaan tijaabin doonin awoodahan aan haysanno, markaa maxaan sameyneynaa?” ayuu yiri Erdogan oo ku gacan seyray diidmada Mareykanka.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa saacado ka dib hadalka Erdogan waxa ay bixisay jawaab erayo adag lagu qoray, iyadoo ku dhowaatay in ay ku eedeyso Turkiga inuu khiyaamayo xulafada NATO.

“Wasaaradda Difaaca ee Mareykanka waxay ku cambaareyneysaa ereyada ugu adag ee suurtogalka ah tijaabada uu Turkigu sameeyey 16-kii October,” ayuu yiri Afhayeenka Pentagon-ka, Jonathan Rath Hoffman, isagoo ka digaya in tijaabada “ay khatar gelineyso cawaaqib xumada xiriirkeena amni.”

Madaxweynaha Turkiga ayaa sheegay inaysan fasax ka rabin si ay u howlgeliyaan Hubkooda iyo Gantaalaha Difaaca Cirka ee S-400, ayna kaliya tijaabo ku wadin Gantalaha ee ay tijaabinayaan hub kala duwan.

Giriiga ayuu sheegay inu heysto Gantaalaha Difaaca cirka ee S-300 oo Ruushku sameeyo, isla markaan anuu fahmi karin sababta uu Mareykanka raaliga uga yahay, ugana aamusay, balse u diidan yahay Hubka Turkiga soo iibsaday ee uu tijaabinayo oo uu ku jiro S-400.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON