Monday, June 23, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo dalalka Imaaraadka, Sacuudiga, Baxreyn & Cumaan ku eedeeyay khiyaanada Umadda Islaamka

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyey qaar ka mid ah dalalka Carabta inay taageerayaan qorshaha Bariga Dhexe ee uu shaaca ka qaaday madaxweyne Donald Trump, taasi oo uu ku qeexay “Khiyaano Umadeed.”

“Qaar ka mid ah dalalka Carabta ee taageeraya qorshaha noocan ah waxay sameynayaan Khiyaano Qaran oo ka dhan ah Qudus, shacabkooda iyo guud ahaan bani’aadannimada” ayuu Erdogan u sheegay madax goboleedyada xisbigiisa oo uu kula kulmay magaalada Ankara.

Erdogan oo ah hoggaamiye adag, una ololeeya xuquuqda Falastiin, ayaa si gaar ah u magacaabay Dalalka Imaaraadka Carabta, Baxreyn iyo Cumaan oo ka qeyb galay xafladii Trump ku shaaciyey qorshaha Qarniga iyadoo u sacbinayey, wuxuuna Sacudiga weydiiyey goorta uu hadli doono haddii aanu xilligan difaacin Qudus iyo xaqa Falastiiniyiinta.

Ad

“Gaar ahaan Sacuudi Carabiya, waad aamusan tihiin, goorma ayaad hadli doontaan? Waxaad eegtaa Cumaan, Baxreyn iyo Imaaraadka, ayagana waa la mid waxay u sacbinayeen Trump.. Ceeb ha idinku dhacdo..” ayuu yiri Erdogan.

Qorshaha Trump ee nabadeynta Israel iyo Falastiin oo loogu magac daray “Heshiiska Qarniga” ayaa Qudus u aqoonsanaya caasimadda aan la kala qeybin ee Israel, wuxuuna xaqooda duudsiinayaan ree Falastiin.

Qorshahan ayaa sidoo kale dhigaya in dhammaan deegaanada Yahuudda ee Daanta Galbeed ay kusii jiraan gacanta Israel iyo qeyb ka muda dalka Jordan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON