Madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan ayaa madaxweynaha Mareykanka uga digay inuu magaalada Qudus u aqoonsado caasimadda Israa’iil.
Khubad uu Erdogan ka jeediyay Baaralmaanka dalkiisa ayuu ku shaaciyay inuu ka digayo tallaabo uu Mareykanku u qaado aqoonsiga magaalada Qudus inay leedahay Yuhuudda. “Waxaan ku leeyahay Trump Qudur waa khad cas oo mulimiintu leeyihiin..” ayuu yiri Erdogan oo ku hanjabay haddii uu tallaabadaasi qaado Mareykanka inuu xiriirka u jari doono Isra’el.
Dhinaca kale Sacuudiga iyo Urdun ayaa sidoo kale uga digay Mareykanka inuu magaalada Qudus u aqoonsado Isra’el, isla markaana uu safaaradda Mareykanka u rarro Qudus, waxayna sheegeen in arrintaasi ay meesha saareyso dadaalkii nabadda ee Bariga dhexe.
Maamulka Falastiin ayaa dhinaciisa shaaciyay haddii Mareykanku tallaabadasi ku dhaqaaqo inay dhamaan burburi doonaan heshiisyadii Bariga Dhexe ee Yuhuuda ay la saxiixdeen, waxaana qoraal madaxweynaha Falastiin Maxamud Cabbaas u diray Mareykanka loo gacan geliyay safiirka Mareykanka ee Isra’el.
Arrintan ayaa qaraxday kadib markii la sheegay in madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu qorsheynayo inuu magaalada Qudus u rarro safaaradiisa isla markaana u aqoonsado caasimadda Yuhuudda, taasoo ka mid ahayd balanqaadyadiisii doorashada.