Madaxweynaha Turkiga Racep Dayyib Erdogan ayaa shaaca ka qaaday in soo bandhigi doonaan baaritaan dhammeystiran oo ku saabsan dilkii saxafiga Jalam Kashoqgi oo lagu dilay gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in Turkiga uu soo bandhigi doono xaqiiqooyin dhammeystiran oo ku saabsan kiiska maalinta Talaadadda e 23-ka bishan Oktoobar, isla markaana ay ka go’an tahay inuu soo bandhigo dhammaan wararkii laga sheegay dilka Saxafiga wixii ka jira, isaguna uu beesha Caalamka la wadaagi doono.
Madaxweynah Turkiga ayaa balanqaaday inay daboolka ka qaadi doono xaalad kasta oo ku xeeran kiiska, ujeedkooduna yahay cadaalad, wuxuuna ku adkeystay inay ka go’an tahay in caddeynta dhammaan macluumaadka ay ka hayaan dilkii saxafiga Jamal kashoqgi oo 2-dii bishan lagu dhex dilay Qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Instanbuul.