Madaxweynaha Turkiga Racep Tayyib Erdogan ayaa ku hanjabay in dalkiisa uu cunaqabatayn kusoo rogi doono badeecooyinka Mareykanka, siiba qalabka elektronikada ah ee shirkadaha Maraykanka ay sameeyaan.
Madaxweyne Erdogan ayaa caddeeyay in qaadici doonaan qalabka ka yimaada Mareykanka sida telefoonka Iphone-ka, wuxuuna yiri “Haddii ay heystaan iPhone, waxaa dhinaca kale yaala Samsung” ayuu yiri Erdigan oo toos u abaaray shirkadda Apple ee Mareykanka iyo tan tartanka uu kala dhaxeeyo ee shirkadda Kuuriyada Koonfureed ee Samsung.
Isagoo maanta ka hadlayey kulan xisbigiisa AK partylahaa ayuu Madaxweyne Erdogan sheegay inay qaadayaan tallaabooyin ay ku adkaynayaan dhaqaalaha dalkaas, isag oo intaas ku daray in aysan u jabi doonin wax uu ku tilmaamay ‘hagardaamooyinka caddowga’.
Wasiirka arrimaha dibeda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa cunaqabatayntii Maraykanka uu kusoo rogey Turkiga ku tilmaamay mid aan sharci ahayn. Waxa kale oo uu Maraykanka ku eedeeyay in ay adduunyada ka waddaan tartan ganacsi oo aan xaq iyo xalaal ahayn.
Tallaabadan uu Erdogan qaaday ayaa waxa ay ka dambeysay kadib markii lacagta Liiraha ee dalkaas ay hoos u dhacday boqolkiiba 34%, waxaana ka dhashay in qiimaha badeecooyinka oo dhan ay sare u kacaan.