Thursday, June 26, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo ku hanjabay inuu Weerar Duqeyn ah ku qaadi doono Waqooyiga Ciraaq

Madaxweynaha Turkiga, Racep Tayyip Erdogan, ayaa ku hanjabay in uu duqayn doono saldhigyada ay kooxda dableyda Kurdiyiinta ku leeyihiin woqooyiga Ciraaq haddii xukuumadda Ciraaq ay tallaabo ka qaadi weyso aaggaasi.

Erdogan oo waraysi siinayey Telefishanka CNN Turk Khamiistii, ayaa waxa uu yidhi “amar baan siin doonaa ciidamadeena si ay u duqeeyaan buuraha Qindiil, Sinjaar iyo Makhmuur e waqooyiga Ciraaq”.

Turkigu had iyo goor waxa uu duqaymo ka geystaa waqooyiga Ciraaq halkaas oo uu sheego in uu kula dagaalamayo dableyda ururka PKK ee Kurdiyiinta, waxaana gudaha u galay dhulka Ciraaq ciidamada lugta ee dalka Turkiga.

Wasiirka arimaha gudaha Turkiga, Suleyman Soylu, ayaa isaguna Arbacadii sheegay in dalkiisu ka shaqaynayo sdii uu uga abuuri lahaa woqooyiga Ciraaq aag nabadgelyo oo ujeedadiisu tahay in “xididada loogu siibo argagixisada” taas oo uu ula jeeday ururka Kurdiyiinta ee PKK.

Turkiga, Maraykanka iyo Midowga Yurub ba waxay ururka Kurdiyiinta ee PKK ku dareen liiska ururrada argagixisada ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON