Friday, June 27, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo Malaayiin soo bannaanbaxay kula hadlay Istanbuul [SAWIRRO]

Bannaanbixii ugu weynaa oo lagu taageerayo madaxweynaha Turkiga loogana soo horjeedo inqilaabkii dhicisoobay ee dalkaasi ka dhacay bartamihii July ayaa ka dhacay magaalada Istanbuul.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa khudbad dheer ka jeediyay in ka badan laba milyan oo qof oo isugu soo baxay fagaaraha magaalada Istanbuul, isagoo u duceeyay dadkii ku dhintay iqilaabka ee is hor taagay  ciidamada ee fashiliyay.

Ordogan salaamay dad tiro badan oo lulaya calanka dalka Turkiga, wuxuuna balan qaaday inuu dib u soo celin doono xukunkii dilka ahaa ee 1984-kii laga mamnuucay dalkaasi, waa haddii buu yiri baaralamanka uu arrintaasi ansixiyo.

Wuxuu ku dooday in dalalka Mareykanka, Shiinaha iyo dalal kale laga fuliyo xukunka dilka ah, balse ay Turkiga ka doonayaan inuusan fulin, wuxuuna ku gacan seyray diidmada uga timid qaar ka mida dalalka Yurub ee ka horjeeda in xukunka dilka ah la fuliyo.

Madaxweyne Erdogan ayaa khudbaddiisa ku caddeeyay inuu Turkiga ka nadiifin doono taageerayaasha wadaadka Fatxulah Gulen ee fadhigiisu yahay Mareykanka oo lagu eedeeyay inuu ka danbeeyay Afgembiga fashilmay.

DAAWO SAWIRRO

ordogan-banabax

ordogan-banabax1

ordogan-banabax2

ordogan-banabax3

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON