Tuesday, June 24, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo shaaciyey in Dalkiisa laga helay Keydkii ugu badnaa Gaaska Dabiiciga ah

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay inuu dalkiisu helay Keyd Gaas dabiici ah kii ugu weynaa taariikhda dalkaasi, kadib baaritaan muddo ka socday xeebaha Badda Madow.

Warka farxadda leh ee Turkiga u soo yeeray ayuu Madaxweynaha dalkaasi hore u sheegay inuu shaacin doon maanta oo Jimce ah, waxaana Gaaska laga helay xeebaha Turkiga uu gaarayaa 320 billion cubic meter.

Soo saarista Gaaskan oo si wey ay ugu baahan tahay Turkiga ayaa bilaaban doona sanadka 2023, waxayna arrintan Turkiga ka caawin doontaa inuu tobanaan sano uu helo Gaas ku filan dalkaasi oo sanad kasta ay uga baxdo lacag ka badan 13 Bilyan oo Dolar.

Image

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in Waa’ cusub u baryay Turkiga. waxaana Gaaskan helay Markabka Turkiga ee lagu magacaabi Faatix oo ah Markab baara macdanka iyo shidaalka gudaha Baddaha, waxaana wehliyey markabka kale ee Yavuz.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON