Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha Turkiga oo xaalad degdeg ah ku soo rogay Turkiga & 22,000 shaqaale oo la eryay

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay in xaalad degdeg la geliyay dalka Turkiga,

kadib  isku daygii afgambi ee fashilmay ee la doonayay in xukunka looga tuuro dowladdiisa.

Arrintan ayaa ka dambeysay kulan ay yeeshaan Golaha Amaanka Qaranka dalkaasi oo qaatay muddo ku dhow 5 saacadood. Turkiga ayaa xaaladda degdeg ah ku jiri doona muddo seddex bilood ah.

Madaxweyne Ordogan ayaa  dadka dalkaasi kala hadlayay Tv-ga, wuxuuna sheegay in go’aankaasi la qaatay markii uu wada xaajoodyo isdaba joog ah la  golaha ammaanka qaranka iyo golaha wasiiradiisa.

Xaaladda degdega ah ayaa u saamaxeysa inuu madaxweynaha Turkiga yeesho awood dheeraada ah oo lagula tacaalo dadka lagu tuhunsan yahay inay ku lug yeesheen Inqilaabka dhicisoobay.

Ilaa iminka waxaa socda tallaabooyinka isugu jira xarig, shaqo ka fariisin iyo maxkamadeyn dad aana ka yareyn 50,000 qof.

Talaabadii ugu dambeysay waxaa shaqada looga fariisiyay 22,000 qof oo ka mid ahaa shaqaalaha waxbarshada dalka Turkiga.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON