Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa mar kale Soomaaliya u soo qaaday tusaale xun, isagoo goob fagaare ah ka hadlayey dhacdo ku saabsan jeneraal ka tirsanaa ciidamada dalkiisa oo dharbaaxay haweeney ka mida ciidamada tafaafikada dalkaasi.
Dhacdadan oo muuqaal laga duubay si weyn la isugu diray baraha bulshada ayuu madaxweynaha Uganda oo aan weli Soomaaliya ka dhammaan wuxuu sheegay in dadka dhaqanka xun ee dharxaabaya haweenka ciidamada ah aysan meel uga bannaaneyn dalka Uganda, wuxuuna ninkii falkaasi sameeyay kula taliyey inuu Soomaaliya aado.
“Generaal howlgab ah oo dharbaaxaya haweeney Boolis ah…. ohohoho lama aqbali karo… sharciga ayaa lagu qaadayaa halkan….. …. Haddii aad xanaaqsan tahay oo gardarroole aad tahay fasax na weydiiso Soomaaliya ayaan kuu direynaa.. halkaas ayaa lagaaga baahan yahay..” ayuu yiri madaxwene Yoweri Musaveni.
Museveni ayey caado u noqotay in wixii xunba uu Soomaaliya ku halqabsado, waxaana weli la xusuustaa markii uu dhowaan tusaale ugu soo qaatay Soomaaliya dalalka Qaran ahaan u jira balse aan lahayn dowlad maamusha.