Monday, July 14, 2025

Madaxweynaha Uganda oo qirtay inay Alshabaab heyso Maxaabiis ciidamada Uganda ka tirsan

Madaxweynaha Uganda Yoweri Musaveni ayaa qirtay in ururka Alshabaab ee Soomaaliya ka jira uu hayo qaar kamida maxaabiis ciidamo dalkiisa ka tirsan, wuxuuna ku eedeeyay arrintaasi saraakiisha ciidamadiisa oo uu sheegay inay jiifeen oo ogolaadeen weerarkaasi inuu sidaas u dhaco.

musaveni
Madaxweynaha Uganda

Madaxweynaha Uganda wuxuu intaas ku daray in ciidamada Uganda laga dilay 19 askari, isla markaana dagaalkii Jannaale lagu waayay 6 askari oo maqan. Alshabaab ayaa hore u sheegtay inay dileen 50 askari oo Ugandes ah ayna hayaan maxaabiis.

“Waxay ahayd khalad ka yimid ciidamadeena, Taliyeyaashii way hurdeen, ma jirin feejignaan, taliyeyaashaasi shaqada ayaa laga joojiyay maxkamad ayaana la soo taagayaa” ayuu yiri Madaxweynaha Uganda  oo koox yar oo saxafiyiin ah kula hadlay magaalada Tokyo ee dalka Japan halkaasoo uu  u tegay socdaal ku saabsan xiriirka labada dal.

Madaxweynah Uganda wuxuu ku sheegay Alshabaab inuu yahay urur fashilmay oo ay jebin doonaan, soona afjari doonaan sida uu u sheegay Wakaalada wararka ee AP.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON