Wednesday, June 25, 2025

Madaxweynaha & Xildhibaanada taageersan si qorsheysan u fashiliyay kulankii Baarlamanka

Kulan degdeg ahaa oo maanta lagu  waday inuu Baarlamaanka Soomaaliya ka yeesho xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda Sare Ceydiid C/llaahi Ilkaxanaf ayaa maanta  baaqday kooram la’aan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen ayaa goobjoog ahaa ayaa ku kala dareeray goobta, markii tiradii loogu tala galay inuu kooramka ku furmo ay imaan waayeen, taasoo ka danbeysay markii ay Baarlamaanka ka maqnaadeen xildhibaanada taageersan Madaxweynaha.

Guddoonka Baarlamaanka Prof. Jawaari oo shaqo adag geliyay arrintan xil ka qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda sare ayaa xogheynta  Baarlamaanka faray xalay  inay fariimo qoraaleed u diraan xildhibaanada si ay uga soo xaadiraan kulanka Khamiista ee maanta.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, xubnaha golaha wasiirada iyo xildhibaanada taageersan madaxweynaha ayaa xalay oo dhan dadaal ugu jiray inay ka hortagaan qabsoomidda kulanka Baarlamaanka oo ee loogha hadlayo xil ka qaadista guddoomiyihii Maxkamadda Sare.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON