Sunday, July 13, 2025

Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada oo War kasoo saaray Xaaladda Fatahaadda Webiga Shabeelle [Akhriso]

Madaxda dowlad Goboleedyada dalka oo la baxay Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyadu ayaa ku baaqay gurmad loo galo fatahaada wabiga Shabeele oo saamayn bani’aadanimo ku  yeeshay degaamo badan oo ka tirsan Dowlad Goboleedka Hirshabelle.

Fatahaada wabigu waxay waxyeelo ba’an u geysatey dhamaan adeegyadii asaasiga ahaa iyo  Kaabayaashii nolosha dadku ku tiirsanayd ee ka jirey deegaamadaas sida  hoygoodii, kaydii  raashinka iyo  daawooyinka,  dalagii  beeraha,  ceelal biyoodkii,  Musqulihii, iskuuladii rugihii caafimaadka,  wadooyinkii  iyo  buundooyinkii islamarkaana waxay fatahaadu  dhalisay barakaca in  ka  badan  15 kun  oo  qoys oo  markii  horeba  ku  jirey  xaalado adag oo  bani’aadanimo.

Warbixinaha hordhaca ah ee ka imanaya deegaamada Dowlad   Goboleedka Hirshabeele ee Fatahaada wabigu saamaysay waxay muujinaysaa in ay jiraan xanuuno ka dhashey nadaafad  Iyo biyo xumaanta baahsan ee ka jirta meelaha barakacayaashu isugu tageen, waxana jirta  cabsi weyn oo laga qabo in ay dilaacaan xanuunada faafa taas  oo hadii  aan laga hortagin ay  adkaan karto in la xakameeyo.

Sidoo  kale  gabaabsi  ayaa  ka  jira xaga  cuntada  iyo  daawooyinka taas  muunjinaysa bilowga  nafaqo daro hordhac ah oo soo wajahaysa caruuta ka yar shanta sano iyo dadka waayeelka ah  taas oo hadii aan tilaabooyin dedega oo bani’aadanimo  laga qaadin horseedi karta macaluul  baahsan oo dad badani ku nafwaayaan.

Sidaas  Darteed  Iskaashiga  Dowlad  Goboleedyadu  waxay  ugu  Baaqayaan  Xukuumada Jamhuriyadda Federalka  Soomaaliyeed,  Ganacsatada,  Soomaaliyeed,  Qurba Joogta  Soomaalieed, Culuma’udiinka Soomaaliyeed, Hay’adaha Samafalka, UN iyo Deeq bixiyaasha in  ay  gurmad  degdega oo  bani’aadanimo lala  gaaro  dadka  ku  nool  Dowlad Goboleedka Hirhabelle ee waxyaalada ba’ani ka soo gartey fatahaada Wabiga Shabelle.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON