Thursday, June 26, 2025

Madaxweynayaasha K/Galbeed & Galmudug oo booqasho gaara ku jooga Talyaaniga

Madaxweynayaasha maamulada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya iyo Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed ayaa socdaal gaara ku jooga magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Labada madaxweyne ayaa la sheegay inay casuumaad ka heleen dowladda Talyaaniga oo aan la shaacin wax ay ku saabsan tahay.

Labada madaxweyne ee maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa sheegay in socdaalkoodu la xiriiro wadahadallo ay la yeelanayaan dowladda Talyaaniga, kuwaasoo ku saabsan xiriirka labada maamul iyo Talyaaniga.

Lama oga ujeedka dowladda Talyaaniga u casuuntay labadan maamul, waxaase hore dalkaasi u tegay madaxweynaha Puntland.

DHAGEYSO LABADA MADAXWEYNE

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON