Monday, July 14, 2025

Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada oo isku heysta 3 Qodob oo laga soo saari lahaa shirka Baydhaba [Akhriso]

Shirka Golaha Iskaashiga Maamul Gobaleedyada Soomaaliya ayaa weli ka socda Magaalada Baydhabo, iyadoo waqti dheeraad ah lagu daray, isla markaana aan warbaahinta loo ogolaan.

Shirka ayaa intiisa badan looga hadlayaa xiriirka sii xumaanaya ee u dhaxeeya inta badan maamul Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka, waxaana wehliya dagaalka Alshabaab iyo arrimaha Fataghaadda ee ka jirta Koonfurta Soomaaiya, siiba gobollada Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Gedo.

Saddex ka mida Maamul Gobaleedyada oo kala ah Puntland, Jubbaland iyo Koofur Galbeed ayaa si wey ugu kacsan dowladda Federaalka, waxayna doonayaan inay shirka ka soo saaraan war-murtiyeeda adag oo lagu joojinayo wada-shaqeynta dowladda Federaalka inta ay ka fulineyso heshiisyadii hore ay labada dhinac u gaareen, arrintaas oo ay ka horjeedaan labada maamul ee Galmudug & Hirshabeelle oo doonaya xal meel dhexe ah in arrinta loo helo.

Haddaladii ugu kululaa waxaa furitaankii shirka ka jeediyay madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo si weyn u weeraray madaxda dowladda Federaalka, halka madaxweynayasha Galmudug iyo Hirshabeelle ay khudbadahooda ahaayeen kuwo aan heerkaas gaarsiisneyn.

Qodobadda la isku hayo in shirka Madaxda maamul Goboleedyada laga soo saaro waxaa ka mida:

  • In laga dalbado Dowlada Federaalka joojinta Faragelinta ay ku heyso Maamul Gobaleedyada
  • In Cabasho loo diro Beesha Caalamka oo lagua cadeeyo ineysan Maamul Goboleedyada la shaqeyn karin dowladda Federaalka.
  • Iyo in waqti loo qabto dowladda Federaalka xiriirka loogu jarayo haddi ay fulin weydo  fulinta qodobadii lagu heshiiyay October 2017.

Lama oga in heshiis laga gaari doono arrimahan oo ay isku hayaan shanta madaxweyne oo 3 ka mida ay doonayaan, halka laba madaxweyne aysan ku qanacsaneyn in xaaladda heerkaasi la gaarsiiyo, taasoo keentay inuu shirku daba dheeraado.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON