Home Caalamka Madaxweyne Albashiir: Ninkii uu isku aaminay ayaa inqilaabay

Madaxweyne Albashiir: Ninkii uu isku aaminay ayaa inqilaabay [Waa kuma Cawad Bin Cawf ?]

-

- Advertisement -

Afgembigii ka dhacay dalka Suudaan Khamiistii 11-ka April 2019 wuxuu soo gabagabeeyay xukuntii 30-ka sano soo jiray ee Madaxweyne Jeneraal Cumar Xasan Albashiir oo laf ahaantiisa inqilaab aan dhiig ku daadan ku qabsaday dalkaasi.

Madaxweyne ku xigeenkii iyo wasiirkii Gaashaandhigga dalkaasi Cawad Bin Cawf ayaa akhriyey bayaanka koowaad ee ay ciidamada Suudaan talada dalkaasi kula wareegeen, wuxuuna sheegay in madaxweynihii la xiray meel amni ahna ku sugan yahay, iyadoo la dhisay Gole Mileri oo dalka xukuni doona muddo 2 sano ah.

- Advertisement -

Jen. Bin Cawf wuxuu ahaa nin darajooyin kala duwan kasoo qabtay ciidamada Suudaan, isagoo howlgab noqdayna waxaa dib u soo celiyey madaxweyne Albashiir oo u arkay ninka uu isku aamini karo, wuxuuna u magacaabay wasiirka Gaashaandhigga iyo ku xigeenkiisa.

Bin Cawf ayaa xalay loo dhaariyey madaxa Golaha milateriga ee la wareegay xukunta dalka Suudaan, taasoo dad badan soo xusuusisay inqilaabkii uu wasiirka Gaashaandhigga Masar ku sameeyay madaxweynihiisii magacaabay ee Maxamed Mursi oo weli xabsi ku jira.

Farqiga u dhaxeeya labada inqilaab ee Masar iyo Suudaan ayaa ah in Masara talada laga tuuray madaxweynihii ugu horeeyay dalkaasi ee si xor ah dadka u soo doortaan, halka Suudaan xilka lagala wareegay jeneraal isaguba afgembi ku yimid.

Inkastoo dadka reer Suudaan intooda badan ka hor yimaadeen in ciiiamadu ay xukunta la wareegaan oo muddo 2 sano ah ay isku koobaan, ayna weli socdaan bannaanbaxyadii looga horjeeday ayaa haddana Suudaan waxay taariikh dheer u leedahay inqilaabyada milateri.

Jeneraal Cawad Bin Cawf waa askari dhashay sanadklii 1950; Wuxuuna ka baxay Kulliyada Ciidamada, isagoo kadibna tababar milatari loogu diray dalka Masar oo uu ku takhasusay madaafiicda goobta, wuxuuna kadib macallin ka noqday kulliyadda layliga saraakiisha dalka Suudaan.

Image result for awad bin awf

Bin Cawf wuxuu noqday taliyaha sirdoonka milatariga iyo ku xigeenka taliyaha ciidamada qalabka sida ee Suudaan; wuxuu shaqada ka fariistay sanadkii 2010; kadibna waxaa loo magacaabay safiir ka tirsan wasaaradda arimaha dibadda, isgoo noqday agaasimaha waaxda xallinta khilaafaadka. Muddo kadib waxaa loo magacaabay Qusulka guud ee safaaradda Sudan ee Qaahira, wuxuuna markii danbe u wareegay dalka Cumaan oo uu ka noqday safiir.

Madaxweyne Albashiir ayaa 2015 u magacaabay Cawad Maxamed Axmed Bin Cawf wasiirka Gaashaandhigga dalkaasi, waxaana la ogyahay in ciidamada Suudaan uu gaarsiiyey awood sare markii uu ku qalabeeyay hub casri ah, iyadoo helay sawaariiq iyo gawaarida gaashaaman.

Madaxweynaha cusub ee Suudaan Cawad Bin Cawf wuxuu weli ku jiraa liiska shaqsiyaadka iyo saraakiisha Suudaan ee xayiraadda saaran tahay , loona heyso dembiyo dagaal oo ka dhacay Daarfuur.

- Advertisement -

WARARKA MAANTA

Madaxweyne Xaaf oo Caawa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Caddaado.. (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa gaaray magaalada Cadaado, kadib markii ay xildhibaano ka tirsan labada gole oo maanta tegay Cadaado...

Yuusuf Dabageed: “Ciidamada AMISOM & Itoobiya in la igu soo weeraro oo la igu shirqoolo…” [DHAGEYSO]

Guddoomiyihii xilka laag qaaday ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay inuu ka badbaaday dil qorsheysan oo loo abaabulay, markii...

SAWIRRO: Ra’iisal Wasaare Kheyre oo si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Dhuusamareeb…

Raiisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre & Wafdi uu hoggaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhoweeyay Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug.

Ra’iisal wasare Kheyre oo gaaray magaalada Dh/mareeb & soo dhoweynta Xaaf oo ka socota Cadaado..

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa goor dhoweyd gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, isagoo ka dhoofay caasimadda Muqdisho.

Abshir Bukhaari & xildhibaannada ka horjeeda Xukuumadda o gaaray Cadaado. (Xaaf oo ku soo jeeda)

Xubno uu horkacayo guddoomiye ku xigeenka Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) ayaa gaaray magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan rabnaa dowlad Dhexe oo awood leh, annagaana Federalka saxda ah” [Daawo]

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa shaaciyey inaysan dooneynin dowlad ku dhisan confederal ama dowlado isutegay oo ay doonayaan dowlad Dhexe oo...

MUST READ

Xaaf oo ogolaaday inuu la kulmo Wasiir Sabriye & Wararkii ugu danbeeyay ee Dhusamareeb..

Wararkii ugu danbeeyay magaalada Dhuusamareeb xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu weli halkaasi ka socdo dadaal lagu doonayo in lagu kulansiiyo Madaxweynaha...

Wararkii ugu danbeeyay xaaladda Madaxweyne Xaaf iyo Shirar xasaasi ah oo ka socda Dhuusamareeb..

Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inay weli halkaasi ka socday kulamo xasaasi ah oo ku saabsan mustaqbalka...

Afgembi siyaasadeed miyey Ahlu-suna ku sameysay Xaaf.? [Maxaa ka socda magaalada Dhusamareb]

Isbedello siyaasadeed iyo xaalad kala duwan ayaa kasoo cusboonaaday magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud iyo maamulka Galmudug, kadib markii uu soo...

Guddiga Kormeerka Xajka oo si kulul u beeniyay Warkii uu baahiyey Sheekh Cali Wajiis (Daawo Jawaab)

Afhayeenka Gudiga Kormeerka Xajka iyo Xubnaha Gudigda ayaa Beeniyay Qoraal uu Maanta Baraha Bulshada ku baahiyay guddoomiyaha Guddiga Sheekh Cali Wajiis...

TOOSHKA GOOBJOOGE

error: Content is protected !!