Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo socdaal ku maraya gobolka Sanaag ayaa maanta booqday qabuuraha Daarood Ismaaciil iyo xaaskiisii Doonbiro Direed oo ku aasan deegaanka Haylaan ee gobolka Sanaag.
Siyaarada Madaxweyne C/weli Gaas ee qabuuraha Daarood Ismaaciil iyo Doonbiro Direed waxaa ku weheliyey qaar kamida golihiisa wasiirada, saraakiil ka tirsan madaxtooyada, nabadoono iyo qaar kamida waxgardka Sanaag, waxaana halkaasi ku soo dhoweeyay culimada gacanta ku haysa qabriga
Inkastoo aan tariikh sax ah laga heynin odayaashii hore ee Soomaalida, haddan waxaa jira warar sheeko xariir ah oo sheega Odaygii Daarood Ismaaciil uu Doon ku yimid Geeska Afrika, kadibna Odaygii Direed uu u guuriyey gabadhiisa Doonbiro, iyadoo ay ka farcameen Duriyadda Daarood oo markii hore la sheegay inuu ka yimid dalka Yeman.