Wednesday, June 25, 2025

Madaxweyne C/kariin Guuleed oo ciidamo badan la tegay degaanka Godinlabe ee Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed oo wata ciidamo fara badan uu gaaray degaanka Godinlabe.

Wararka ayaa sheegaya in degaanka Godinlabe oo ay maanta duhurtii la wareegeen maleeshiyada Ahlu-sunah iyo maleeshiyaada degaankaasi, laakiin waxay dib uga gurteen gelinkii danbe ee maanta iyagoo saldhig ka sameystay degaanka Caratuurka oo duleedka Godinlabe.

DAAWO: Madaxweyne C/kariin Guuleed oo soo bandhiggay cududda ciidamada GalmudugMadaxweyne Guuleed ayaa la sheegay inuu dadka degaanka kula hadlay galanta Godinlabe isagoo dagaalka halkaasi ka dhacay ku eedeeyay kooxda fadhigeedu yahay Dhuusamareeb.

Degaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud ayaa la sheegay inay xaaladeeda degan tahay, inkastoo ay jirto cabsi ku saabsan xaalad dagaal.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON