Mid ka mida mas’uuliyiinta kooxda Ahlu suna ee Goboladda Dhexe ayaa magaalada Dhuusamareeb maanta uga dhawaaqay in loo doortay Madaxweyne. C/llaahi Cabdi Dhoodi ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka iyo beelaha Gobolada dhexe ay u doorteen inuu noqdo madaxweynaha maamulka Gobollada Dhexe.
Mas’uulkan ayaa caddeeyay inuu yahay dadka degaanka u dhashay, kana tirsanaa Ahlu suna, sidaasina loogu doortay inuu hogaamiyo maamulka Gobollada dhexe. Wuxuu sheegay in wixii hadda ka bilowda uu isagu madaxweyne yahay, isla markaasina uusan aqoonsanayn maamulka kale ee Sheekh Axmed Shaakir oo Ahlu suna hore uga dhawaaqday isla magaalada Dhuusmareeb.
Arrintan ayaan la ogeyn cidda ku lug leh riixeysa waxayse u muuqataa in kooxda Ahlu suna ay kala qeybsan tahay kadib maamulkii Sheekh Axmed Shaakir.
DHAGEYSO MADAXWEYNAHA CUSUB
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]