Thursday, June 26, 2025

Madaxweyne cusub oo loo magacaabay dalka Algeria & Bannaanbaxyo lagala hor yimid

Laba gole ee Baarlamaanka dalka Algeria ayaa anxisiyey inuu dalkaasi madaxweyne Kumeelgaar ah ka noqdo guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Bin Saaleh, kadib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii hore C/casiis Butafliqa.

Labada Gole ee Golaha shacabka iyo kan umadda ee dalka Algeria ayaa la horkeenay qaraar ku saabsan inay bannaan tahay jagada madaxweynaha dalkaasi, iyadoo dastuurka dalkaasi la raacayana uu madaxweyne KMG ah noqday guddoomiyaha Baarlamaanka C/qaadir Bin Saalah oo muddo 90 maalmood ah xilka heyn doona inta laga qabanayo doorasho guud oo dalkaasi ka dhacda.

Isla markii lagu dhawaaqay madaxweynaha KMG ee dalkaasi ayaa waxaa magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi ka bilowday bannaanbaxyo looga horjeedo madaxweynaha cusub, waxayna dadku dalbanayaan in la dhiso xukuumad aysan ku jirin maamulkii hore ee kacdoonka dadweynaha lagu riday.

Waxaa laga cabsi qabaa in bannaanbaxyada ay sii xoogeystaan iyadoo dadweynaha ay diidan yihiin in haraagii nidaamkii hore ay qabanqaabiyaan doorashada dalkaasi

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON