Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) ayaa magacaabay taliye iyo taliye xigeen cusuboo madax u noqonaya ciidamada madaxtooyada Puntland.
Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland ayaa taliyaha ciidamada Madaxtooyada Puntland loogu magacaabay Gaashaanle Dhexe Barkhad Cabdullaahi Yuusuf, iyadoo ku xigeenkiisa loo magacaabay Gaashaanle Muumin Cabdi Shire, waxayna magacaabidda dhaqan gashay 2-dii Bishan March.
Dhinaca kale madaxweynaha Puntland ayaa agaasimha guud ee madaxtooyada u magacaabay Maxamed Cabdilladiif Yuusuf oo hore ugasoo shaqeeyay hay’adaha Save the Children. Sidoo kale agaasimaha ku xigeenka madaxyooyada ayaa loo magacaabay Cabdiweli Cali Cabdulle oo isna ka soo shaqeeyay ururada bulshada rayidka Puntland ee PUNSA.
HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA
