Friday, July 11, 2025

Madaxweyne Farmaajo: “Dalkan aniga iyo Dhowr iyo toban Wasiir kaliya wax kama qaban karno..”

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa sheegay in dadka Soomaalida looga baahan yahay inay towbad keenaan oo ay is cafiyaan.

Isagoo ka hadlayay Masjidka Madaxtooyada ayuu sheegay in loo baahan yahay in lala shaqeeyo dowladda Soomaaliya si dalka uu horay ugu socdo lana ilaaliyo amaanada, cadaalladda iyo dadka danyarta ah.

“Dalkan aniga iyo dhowr iyo toban Wasiir kaliya wax kama qaban karno, waxaa loo baahan yahay in dowladda lala shaqeeyo si bur burka looga baxo, waxaa jira kooxo ka shaqeeya had iyo jeer bur burka dalka oo habeen iyo maalin u soo jeeda sidii dalka loo bur burin lahaa” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ka qayb galay salaadii Jimcaha Masjidka Shuhadaa ee ku yaala Xarunta Madaxtooyada ayaa shacabka ugu baaqay in ay Alle u laabtaan oo ay dambi dhaaf weydiistaan.

Khudbadda salaadda Jimcaha ayaa waxay ku saabsanayd ahmiyadda Garsoorka iyo Cadaalladda, waxaana akhrinayay khudbadda Jimcaha Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa sheegay in cadaalladdu ay tahay mid Wanaagsan maalinta qayaamahana la is waydiinayo loona baahan in Madaxda iyo Shacabkaba ay ku dadaalaan sidii cadaallad looga shaqayn lahaa.

“Waxaa loo baahan yahay in arrimaha maxkamadaha lagu dadaallo sidii loo hubin lahaa, cadaallada waa shayga ugu muhiinsan adduunyada oo maalinta Aaqirana lays waydiinayo” ayuu yiri Sheekha

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Soomaaliya  Ibraahin Iidle Suleebaan oo isna ka hadlay masjidka ayaa sheegay in ay ku dadaali doonaan cadaalladda, wuxuuna madaxda iyo shacabka u soo jeediyay inay u duceeyaan  garsoorka.

“Khudbadda maanta waxay ku saabsanayd cadaaladda, waxaana loo baahan yahay in lagu dadaalo garsoorka si dalkeena Soomaaliya uu uga baxo bur burka xagga garsoorka” ayuu yiri Ibraahim.

 

SourceRM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON