Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdigii la socday ayaa dalka dib ugu soo laabtay Galabta, kadib socdaal ay ku tageen dalka Uganda.
Madaxweyne Farmaajo ayaa kasoo qeyb galay Shirkii horumarka iyo isku xirka Afrika ee ‘Africa Now’, iyadoo uu ka mid ahaa dadkii lagu casuumay, wuxuuna noqday madaxweynaha kaliya ee ka qeyb galay shirka marka laga reebo madaxweynaha loo martida ahaa ee Yoweri Musaveni, markii ay ka baaqsadeen madaxweynayaasha Uganda iyo Masar.
Waxa shirka ka qeyb galay madaxweyne ku xigeenada dalalka Kenya iyo Tanzania, waxaana ergooyin ka kala socda hay’adaha dhaqaalaha iyo bulshada rayidka ah ay ku soo bandhigeen horumarinta dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika.
Farmaajo ayaa intii uu joogay dalka Uganda wuxuu khudbad ka jeediyay shirka, isagoo booqday askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Militariga Kabamba, lamana soo werin wax kulan gaara oo dhex maray isaga iyo madaxweynaha Uganda.